Waxqabadka Jaaliyada Somalilland ee Finland (Sawiro)

Jaaliyada  Somaliland ee finland waxay u taagan tahay horumarinta shacabka kasoo jeeda Somaliland iyo dadka soo galootiga   ee ku nool dalkaan finland iyo dalka gudihiisaba gaar ahaan shacabka somaliland ee sharafta mudan.

Fikirka Jaaliyada somaliland  oo uu curiyay  aqoon yahanada Fasal Cali waraabe iyo C/rehman ciro, jaaliyadu waxay mar walba u taagan yahay sidii wax loogu qaban lahaa umada somaliland ee kunool finaland iyo dalka gudihiisaba .

Aas-aaskii jaaliyada dalkaan finland ayaa noqotay mid ku dayasho mudan oo midaysay aqoontii,dhaqaalihii iyo wadajirkii bulashada halkaan ku dhaqan maadaama dalkaani yahay wadan horumaray oo bulshadu wadajir kaliya ay wax kutahay halka tafaraaruqu uu dib dhigo hormarkii la gaari lahaa.

Jaaliyada halku hiigsigeedu iyo hadafku waa midnimo iyo wadajira shacabka somaliland ee kunool dalkan finland  oo lala garabtaagnaado hiil joogta .